Wednesday, May 6, 2026
HomeWararRa’iisulwasaare Rooble oo amray dardargalinta doorashada kuraasta waqooyi

Ra’iisulwasaare Rooble oo amray dardargalinta doorashada kuraasta waqooyi

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo Guddoonka Guddiga doorashooyinka gobollada woqooyi (Somaliland).

Waxa ay ka wada hadleen dardar gelinta iyo u diyaar garowga doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee Gobollada waqooyi.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mas’uuliyiintan ku bogaadiyay doorkii  ay ku lahaayeen in ay si guul ah ku soo dhammaato doorashada xildhibaannada Gobollada Waqooyi (Somaliland) ku matalaya Golaha Aqalka Saree e BFS, halka ay dhankooda uga mahad celiyeen kaalintii  wanaagsaneyd ee Ra’iisul Wasaaruhu ka qaatay howshaas.

Rooble ayaa kala hadlay Madaxdaan in ay mar kale muujiyaan tanaasul iyo dardargalinta kuraasta Aqalka Sare.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe