Ra”iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta daah furay Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee dalka, oo ay maanta u fariisteen 27,600 oo arday.
Schoolka 15-ka May oo uu ka dhacayey imtixaanaadkaasi oo si weyn loo adkeeyey amniga ayaa waxaa gaaray Ra’iisul wasaaraha dalka oo ay wehliyaan guddoomiyaha gobolka Benaadir iyo wasiirka waxbarashada Soomaaliya.
Mudane Xasan Cali Kheyre oo ka hadlay daah furka Imtixaanaadkaasi ayaa sheegay in waxbarashadu ay tahay qeybta ugu muhiimsan ee horumarka daka, in wax la bartana ay astaan u tahay dib u dhiska dalka.
Ra”iisul wasaaraha dalka ayaa sidoo kale u mahad celiyey cid waliba oo howshaan kasoo shaqeysay, gaar ahaana wasaaradda waxbarashada dalka.
Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya:-