Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo wehlinaayay Wasiirka waxbarashadda Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa Kormeer ku tagay qaar ka mid ah Goobaha ay ka socdaan Imtixaanada dugsiyadda Sare ee Muqdisho.
Gudoomiyaha ayaa Ardayda kula dardaarmay in ay laba jibaaraan dadaalkooda,islamarkaana ay iska ilaaliyaan qishka.
Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee dalka, waxaa sanadkaan u fariisanaya 27,600 oo arday.
Imtixaanka ayaa si rasmi ah maanta kaga bilaaban doona gobolka Banaadir, Galmudug, Hirshabeelle , Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.
Goobaha Imtixaanka lagu galaayo ayaa shalay oo Jimco aheyd waxaa la wareegay ciidamo loogu tala galay in ay suggaan Ammaanka xarumahaasi.