Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Sooimaaliya Xasan Cali kheyre iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle xaaf oo ku wada sugay Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa xalay waxaa ay wada yeesheen kulan gaar ah.
Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Galmudug,waxaana ay uga wada hadleen habkii xalwaara loogu heli lahaa khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Galmudug.
Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in mas’uuliyiinta kulankooda ay isku muujiyeen xoogaa isku-soo dhawaansho ah,isla markaana ay ka wada hadleen sidii loo dhameyn lahaa khilaafka dowladda iyo Maamulka Galmudug iyo khilaafka ka dhaxeeya Madaxda Sare ee Galmudug.,
Madaxda Dowladda Federaalka iyo Galmudug ayaa waxaa u dhaxeeya khilaaf mudo soo jiitamayay kaas oo keenay in aysan wax wadashaqeyn ah dhexmarin dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug, iyada oo si la mid ah Maamulada kale iyo dowladda uu khilaaf ka dhaxeeyo.