Maxkamada Darajada koowaad Ee Gobolka Nugaal ayaa Saakay Hoolka Gobolka horkeentay 10 eedeysane oo loo heysto in ay ka dambeeyeen dilkii iyo kufsigii Caaisho Ilyaas Aadan loogu geystay Magaalada Gaalkacyo Bishii Ferb Dadwayne Aad ufara badan ayaa Goobta kusugnaa Si ay markhaati uga noqdaan dacwada loohaysto edaysanayaasha .
Xeer ilaaliye Ku xigeenka Puntland Maxamed Xareed ayaa sheegay in 10-ka ruux in loo heysto 7 dambi oo ku aadan dilkii iyo Kufsigii Caaisho Ilyaas Aadan oo aheyd 12jir aan qaan gaadhin .
Maxkamadda ayaa kadib markii ay dhegaysatay dacwadda xeer-ilaalintu ku oo gtay 10-ka eedaysane waxay hadalka siisay qareennada eedaysanayaasha balse mid kamid ah qareennada ayaa codsaday in dib loogu dhigo dhegaysiga kiiska si ay wakhti iyo xog ku filan u helaan.
Intaasi kadib maxkamadda ayaa ku dhawaaqday in dib loo dhigay dhegaysiga dacwadda loo haysto ragga ku eedaysan kufsigii iyo dilkii gabadhii yareyd ee Caa’isha Ilyaas Aadan.
Maxkamaddu waxay sheegtay in mar kale dacwadda Dib loo dhigay lana lana dhegaysan doono maalinta Sabtida ah ee todobaadka soo socda.

