Sunday, March 23, 2025
HomeWararAkhriso: Qodobada Looga hadlayo shirka Maanta ka Furmaya Magaalada Garoowe

Akhriso: Qodobada Looga hadlayo shirka Maanta ka Furmaya Magaalada Garoowe

Maanta ayaa lagu wadaa in Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal uu shir wadatashi ah uga furmo Madaxda ugu sareysa Dowlkadda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah dowladda Federaalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre iyo Madaxda Dowlad goboleedyada, Hir-Shabeelle, Koonfur Galbeed, Galmudug, Puntland, Jubbaland  iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Garoowe ku wada sugay kuwaas oo kulamo gooni gooni ah wada qaadanaya.

Hoos Ka Akhriso Qodobada ugu muhiimsan ee shirka Magalada Garoowe looga hadli doono.

1: Dhninaca siyaasada iyo cida xaqa u leh inay jaangooyso nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa markii ay dhamaato xilheynta Madaxda dowladda federaalka.

2: in Heshiis buuxa laga gaaro Qodobka 51aad ee dastuurka kaas oo cadeynaya heerarka iyo xiriirka Iskaashi ee dhexmara Dowladda iyo Dowlad  goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

3: Sidoo kale Madaxda ayaa shirkooda waxa ay uga hadlayaa arrimo la xiriira dhinaca abaaraha, iyada oo Hay’adaha Qaramada Midoobey ay ka digeen cabsi laga qabo abaar ku dhufato Gobolo ka mid ah dalka Soomaaliya.

4: Qodobada ugu xasaasin ayaa waxaa ka mid ah qeybsiga Kheyraadka, iyada oo shuruucda ay gacanta ku heyso Xukuumadda Soomaaliya,waxaana laga wada hadi doonaa sidii shuruucdaas loo hirgelin lahaa.

Si kastaba shirka Maanta oo Axad ah ka furmaya Magalada Garoowe ayaa noqonaya shirkii ugu xasaasisanaa ee dhexmara Madaxda Dowladda iyo kuwa Dowlad Goboleedyada tan iyo markii la doortay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe