Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa gaaray Wafdi ka kooban Wasiiro ka tirsan Galmudug kuwaas oo hordhac u ah Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Galmudug oo Gaalkacyo ku wajahan.
Wasiirka Warfaafinta oo wafdiga kamid ah ayaa sheegay in wafdiga Ra’iisul Wasaaraha halkaasi tegi doonaan, isla markaana looga baahan yahay maamulka degmada iyo Bulshada inay siwyen u soo dhaweeyaan.
Sidoo kale waxa uu sheegay Wasiirka in Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya & Xubno ka tirsan Beesha Caalamka ay ka qeyb-geli doonaan munaasabad lagu caleemo saarayo Maamulka Cusub ee degmada Gaalkacyo oo ay Golaha degaanka doorteen.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sii mari doona degaano dhowr ah oo ku yaalla gobolka Mudug, isagoona ka ambabixi doona Magaalada Cadaado.
Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa siweyn looga dareemayaa qaban qaabada Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya & wafdiga la socdo oo haatan ku sugan magaalada Cadaado oo uu galabta gaaray halkaas oo ay si wacan ugu soo dhaweeyeen maamulka Degmadda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.