Saturday, April 25, 2026
HomeWararDibaddaRa’iisul wasaaraha Soomaaliya oo dalka dib ugu soo laabtay kadib safar shaqo...

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo dalka dib ugu soo laabtay kadib safar shaqo oo uu ku tagay dalka Kenya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib safar shaqo oo uu ku tagay dalka Kenya.

Xamza Cabdi Barre ayaa intii uu ku guda jiray booqashadiisa waxa uu wadahadallo miro dhal ah oo ku saabsan xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyo kala duwan oo muhiim ah la yeeshay mas’uuliyiinta ugu sarreysa Kenya oo uu ka mid yahay madaxweynaha dowladda federaalka Kenya William Samoei Ruto, ku xigeenkiisa iyo mas’uuliyiinta ugu sarreysa dalkaas.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxa uu sidoo kale la kulmay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya, isagoo kala hadlay doorka ay ku leeyihiin dib u dhiska iyo horumarinta dalka iyo maalgashiga dalkooda hooyo, iyadoo munaasabad ay ka qeyb galeen madax badan oo sarsare.

Waxaa uu ku booriyay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya in ay kaalintooda ka qaataan xoojinta maalgashiga dalka iyo hirgelinta barnaamijyo shaqo abuur u ah dhalinyarada Soomaaliyeed.

“Ganacsatada waxaan ugu baaqayaa inay dalka maalgashadaan oo ay abuuraan fursado shaqo. Maalgelintani waa fursad aan kaga faa’iidaysanayno xubinnimadayada bulshada Bariga Afrika, taas oo bixisa suuq cusub iyo horumar dhaqaale,” ayuu yidhi.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa dhawaan kala saxiixday heshiisyo lagu xoojinayo, korna loogu qaadayo xiriirkooda iyo xiriirkooda dhaqaale ee ganacsiga iyo maalgashiga si kor loogu qaado dhaqaalaha labada dal.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe