Maamulka Koonfur Galbeed ayaa kordhiyey howlgallada ka dhanka ah AS ee ka socda gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose, waxaana ciidamada daraawiishta ay xoojiyeen ciidamada dowladda Federaalka si ay deegaano hor leh uga xoreeyaan.
Sida ay u xaqiijiyeen warbaahinta ilo wareedyo kala duwan oo ku dhowdhow, maalmihii ugu dambeeyay diyaar garowga ciidamada 60-aad ee dowladda Federaalka, Daraawiishta iyo dadweyne abaabulan ayaa ka socday magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur.
Howlgalladan oo la sii xoojiyay ayaa loo kala qeybiyay dhowr qeybood, waxaana diiradda lagu saarayaa sidii loo xaqiijin lahaa isu socodka degmooyinka ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, si aysan u jarin agabka lagama maarmaanka u ah ciidamada.
Wajiga labaad ayaa ah in ay duulaan xoogan ku qaadaan tuulooyinka ay wali gacanta ku hayaan ‘AS’, lagana xoreeyo deegaanada, sidoo kale waxa ay ciidamadu beegsanayaan in ay fariisimo cusub ka sameystaan ​​ciidamada tababarka loo soo xiray ee ku sugan duleedka Baydhabo.
Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay booqasho ku tagay deegaano ka tirsan gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed, waxaana ay kulamo la qaateen hoggaanka ciidamada xoogga dalka oo ay ka wada hadleen arrimaha ammaanka.
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ballan qaaday in dowladdiisa ay sii wadi doonto dagaalka guud ee ka dhanka ah Al-Shabaab inta laga gaarayo guul. Labadii sano ee la soo dhaafay, ciidamada ammaanka ayaa horumarro la taaban karo ka sameeyay la dagaallanka Al-Shabaab, taasoo keentay in ay isa soo dhiibaan dagaalyahanno badan oo ka tirsan kooxda.

