Wararka naga soo gaaraya Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay rasaas la dhaceen gaari ay wateen Saddex kamid ah Shaqaalaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya.
Weerarka ayaa ka dhacay Waaxda Horseed, Waxaana weerarka geystay dhalinyaro ku hubeysan Bistoolado kuwaasoo rasaas ku boobay gaari yar oo taagnaa meel dhowr tilaabo ujirta Wadada Maka Al-Mukarama oo ay ku badanyihiin Ciidamada amaanka.
Weerarkaas oo Galabta dhacay, Waxaa ku geeriyooday Qasnajigii Golaha Shacabka oo lagu magacaabi jiray Cumar Dhalaxoow Muudeey.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo katirsan Golaha Shacabka ayaa inoo xaqiijiyay geerida mid kamid ah Agaasimayaashii lacagta ee Golaha Shacabka, Marxuumka dhintay ayuu Dhalxa sheegay inuu mudo usoo shaqeynayay Golaha Shacabka.
Weerarkaas waxaa ka abdbaaday laba kale oo katirsanaa Shaqaalaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, Marxuumka geeriyooday ayaa la sheegay inuu watay gaari yar ayna utageen goobta uu dilka ka dhacay sidii ay udhaweyn lahaayeen gabar kamid eheyd howlwadeenada Baarlamaanka.
Dhalxa ayaa ka tacsiadeeyay geerida ku timid Cumar Dhalaxoow Muudeey, Isagoo sheegay in Marxuumka uu heystay laba shahaado oo uu midi ka qaatay Dalka, halka tan kalena uu dhawaan Nairobi ka soo qaatay.