Saturday, May 2, 2026
HomeWararGudahaWasiirka Waxbarashada oo amar ku bixiyay in laga guuro dhulka Jaamacadda Ummadda...

Wasiirka Waxbarashada oo amar ku bixiyay in laga guuro dhulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Farah Sheikh Abdulkadir, ayaa amar ku bixiyay in si degdeg ah looga guuro dhulka ay leedahay Jaamacadda Soomaaliya oo ay deggen yihiin dad shacab ah.

Amarkan ayaa la soo saaray xilli uu wasiirku ka hadlayay munaasabad lagu dhagax dhigayay mashruuca casriyeynta jaamacadda, gaar ahaan xarunta Gaheyr, halkaas oo uu ku adkeeyay in dhulku yahay hanti qaran oo loogu talagalay horumarinta dalka iyo adeegga bulshada.

Wasiirka ayaa sheegay in dhulka jaamacadda uu yahay mid dowladeed, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in dadka ku sugan ay si degdeg ah uga baxaan si loo bilaabo dib u dhiska iyo horumarinta kaabeyaasha waxbarasho.

Dhankiisa, guddoomiyaha jaamacadda, Mohamed Mahmoud, ayaa soo dhoweeyay bilaabista mashruuca dib u dhiska, isagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo dib loogu soo celinayo sumcadda iyo shaqadii jaamacadda.

Si kastaba ha ahaatee, 29-kii bishii Janaayo ee sannadkan, Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) ayaa soo saartay digniin sharci oo ku saabsan burburin ka socota dhulkeeda ku yaal Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Maamulka jaamacadda oo uu ku jira guddoomiyaha haatan jooga xaiiska, ayaa war-saxaafadeed ku sheegay in burburinta lagu hayo dhulka Jaamacadda, oo ay ku jiraan adeegyada ardayda iyo gurigii guddoomiyaha, inay yihiin sharci-darro.

Jaamacaddu waxay xilligaas sheegtay in ay qaadayso dhammaan tallaabooyinka sharci ee loo baahan yahay si loo ilaaliyo xuquuqdeeda milkiyadeed, loogana hortago in dhulkaas si sharci-darro ah loo isticmaalo loona xalaaleeyo magacyo aan wax xiriir ah la lahayn dhulka Jaamacadda.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe