Saturday, May 2, 2026
HomeWararGudahaJabuuti oo Soomaaliya usoo magacawday in uu Danjire uga noqdo Taliyihii dalka...

Jabuuti oo Soomaaliya usoo magacawday in uu Danjire uga noqdo Taliyihii dalka keenay ciidanka Hiil Walaal

Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa Danjire cusub usoo magacawday Soomaaliya, waxaa xilkaas loo igmaday Taliyihii hore ee Ciidamada Dalkaas, Kornayl Cismaan Dubbad Sugule oo door muuqda ka qaatay qorshihii ciidanka Wiil walaal lagu keenay Dalka December 2011.

Cismaan waxaa lagu baddelay Maxamed Ibraahim Yuusuf, waxaana lagu wadaa in uu si rasmi ah u billaabo shaqadiisa ku saabsan ka shaqaynta danaha Soomaaliya iyo Jabuuti, Xoojinta Iskaashiga sida Amniga, Dhaqaalaha & horumarka Bulshada.

Dubbed ayaa aqoon u leh xaaladda Soomaaliya maadaama mar uu la howlgallay Ciidamada ka socda Dalkiisa ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika, waana tan loo badinayo in sidaas loogu doortay booskaan sida ay ku warrameen ilo kala duwan.

Jabuuti waxa ay Soomaaliya ka taageertaa dhinacyo kala duwan, Xukuumadda Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxa ay horay u sheegtay in ciidamada ka jooga Gudaha Dalka ay kaalin muuqda ka qaadanayaan xoojinta nabadda & caawinta Ciidanka Soomaaliya.

Dhanka kale, waxaa socda qorshe Xukuumadda Jabuuti ay ku baddelayso qaar kamid ah Ciidamadeeda sababo la xiriira muddo dheer oo ay joogeen Soomaaliya, ciidanka cusub ayaa soo dhammaystay tababar ku saabsan shaqadooda oo lasoo siiyay kahor inta aysan soo ambabixin.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe