Wararka Nagasoogaaraya Deegaanka Gaalyeel Oo hoostaga Degmada Godinlabe Ee Gobolkaani Galgaduud ayaa Waxa ay sheegayaan in Halkaasi ay Colaad Kataagantahay.
Xiisada Kataagan Deegaanka Gaalyeel ayaa Dhalatay Kadib Markii Shaqsi Katirsan Midkamida Beelaha Hada ay Colaadooda Kataagantahay Gaalyeel Lagu dilay Deegaankaasi.
Beesha Ninkaani Ladilaya ayaa Lasheegayaa in ay Guluf Colaadeed Sooqaadeen Gawaari iyo Ciidan Farabadan ay Kusoo Daabulayaan  Duleedka Deegaanka uu Dilka Kadhacay.
Inkasta Oo aysan nuusuurta Galin in aan Lahadlano Dalka Kusugan Deegaanka Gaalyeel Saba Laxiriira Taleefanadooda Oo aan Laheli Karin Hadana ila Kudhaw dhaw Deegaanka ayaa Noo Xaqiijiyay in Cabsi aad u Badan ay Kataagantaay Deegaanka Gaalyeel.
Beelahaan isku Horfadhiya Deegaanka ayaa Horay ugu Dagaalamay Deegaanka iyo Yadoo Qasaare uu Sookalagaaray Hase ahaatii Sanadihii Lasoodhaafay Xaalada Deegaanka ayaa Ahayd Mid Dagan.