Sunday, April 20, 2025
HomeDhageysiDhageyso:-Qabanqaabadda Shirka Madaxda Maamul goboleedyadda Oo ka socota Baydhabo.

Dhageyso:-Qabanqaabadda Shirka Madaxda Maamul goboleedyadda Oo ka socota Baydhabo.

Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koofur Galbeed ayaa laga dareemaya qaban qaabadda iyo soo dhaweynta Madaxda maamul goboleedyadda oo ku wajahan Magaaladaasi.

Waxaa lagu waddaa in uu halkaasi uu ka furmo dhawaan Shirka Madaxda maamul goboleeyadda.

Sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, waxa Magaalada maanta ku wajahan qaar ka mid ah Madaxda dowlad goboleedyadda.

Shirkaan ayaa lagu waddaa in looga hadlo qodobo badan oo ku saabsan Siyaasadda Soomaaliya.

Waxaa uu noqon doona Shirkii Labaad ee ay yeeshaan Madaxda dowlad goboleedyadda oo ku mideysan dalladda Golaha Iskaashiga dowlad goboleeyadda.

Afhayeenka Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Nuura-diin Yuusuf Abuukar Gacma Oo la Hadlay Idaacadda Codka Gobollada Dhexe Ee Cadaado ayaa Ka Warbixiyey Halka Ay Mareyso Qaban-qaabada Soo Dhaweynta Madaxda Maamullada dalka Waxa Uuna Sheegay In Saacadaha Soo Aadan Ay Dhammaan Madaxdu Imaan Doonaan Baydhabo.

Kulankaan ayaa imaanaya ,iyadoo maalmihii lasoo dhaafay hadallo Xanaf leh ay dowladda Soomaaliya hawadda Marinaayeen qaar ka mid ah Hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyadda.

 

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe