Monday, April 20, 2026
HomeBarnaamijyadaFaah faahino kasoo baxaya wariye lagu weeraray Garowe.

Faah faahino kasoo baxaya wariye lagu weeraray Garowe.

magaalada Garowe ee caasimada Puntland caawa fiidnimadkii dabley hubaysan ay weerar ku qaadeen wariye ka tirsan Idaacadda Radio Garowe.

Kooxda weerartay wariyaha oo ku hubaysnaa bastoolado ayaa rasaas huwiyey wariye Abdirahman Jama Hashi (Abdirahman Wadani) oo ah tafatiraha Radio Garowe xili uu kusii jeeday gurigiisa sida ay noo xaqiiiyeen ila ka la duwan oo la hadlay Radio codka gobolada dhexe.

Kooxda weerartay wariye Abdirahman Wadani ayaa rasaastii ay huwiyeen wariyuhu uu ka badbaaday werarka ka dib waxa ay ka baxsadeen goobta uu weerarku ka dhacay.

Ciidamada amaanka ayaa gaaray goobta uu falku ka dhacay wax faahaahin ah kama bixin sidii ay wax u dhaceen wariyaha oo aan xiriir la samaynay waxaa noo sheegay in hada xaaladiisa caafimaad ay tahay mid wanaagsan.

Weerarka lagu qaaday caawa wariye Abdirahman Wadani ayaa kusoo beegmaya uun maalmo ka hor markii Idaacadda Radio Garowe uu ka baahiyey wariyuhu barnaamijka Sama Wade oo ah barnaamij olole ah oo ka dhan kooxda Al-Shabaab.
welina ma jirto cid ka hadashay dhacdan caawa ka dhacday magaalada Garowe ee caasimada Puntland .

lasoco wixii soo kordho…

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe