Friday, June 19, 2026
HomeWararDowlada Somaliya oo ka hadashay duulimadyadii tooska ahaa ee Kenya Joojisay

Dowlada Somaliya oo ka hadashay duulimadyadii tooska ahaa ee Kenya Joojisay

Dowlada dhexe ee dalka ayaa ka hadashay go,aankii dowlada Kenya ay ku joojisay duulimaadyadii diyaaradaha Rakaabka ee tooska u tagi jiray magaalada caasimada ah ee Nairobi ee dalka Kenya oo la Joojiyay.

Wasiirka duulista hawada dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar oo ka hadlay arintaan ayaa waxaa uu sheegay in baaritaan ku sameyn doonaan Sababaha dhaliyay Arintaan.

Mr oomaar ayaa intaa raaciyay in ay kala hadli doonaan madaxda dalka Kenya sababta Keentay in diyaaradaha Tooska ah ee la Joojiyay.

Si kastaba ha ahaatee duulimaadyada rakaabka ayaa hada mari doona garoonka diyaaradaha ee magaalada wajeer ee gobolka waqooyi Bari Kenya.

Talaabadaan ayaa dhib ku noqon doonta dad badan oo isaga kala goosha safar muqdisho ilaa Nairobi waxaana saacado baaritaan ah ay ku mari doona magaalada Wajer.

Lama ilaa iyo hada sababta ka danbeysa in Kenya ay dib uga noqoto heshiiskaan oo horay ay u wada galeen xukuumada Fedaraalka Soomaaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe