Thursday, May 28, 2026
HomeWararGudahaPuntland: Qofkii ku hara goobaha dagaalka Calmiskaad waxaa loo aqoonsan doonaa argagixiso

Puntland: Qofkii ku hara goobaha dagaalka Calmiskaad waxaa loo aqoonsan doonaa argagixiso

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland, Maxamed Baari Shire, ayaa ugu baaqay dadka reer miyiga ah ee ku nool deegaanka Calmiskaad inay muddo shan maalmood gudahood ah uga baxaan goobaha ay ka socdaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Daacish.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in cid kasta oo ku sii nagaata deegaanada uu dagaalku ka socdo, wixii ka dambeeya muddadaasi, loo aqoonsan doono inay la shaqeynayso kooxaha “argagixisada”, isagoo xusay in ciidamada ammaanka Puntland ay sii xoojin doonaan howlgalada ka socda buuraha Calmiskaad.

“Dadka deegaanka waxaan ugu baaqayaa inay kasoo guuraan goobaha dagaalku ka socdo inta uu socdo howlgalka. Qofkii ku haraya halkaas wixii ka dambeeya muddada shanta cisho ah, waxaa loo aqoonsan doonaa argagixiso,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka.

Sidoo kale, wuxuu farriin u diray nabaddoonada iyo bulshada deegaanka, isagoo ugu baaqay inay ciidamada kala shaqeeyaan soo saarista dadka uu sheegay inay gabaad ka dhigteen buuraha Calmiskaad.

Maxamed Baari Shire ayaa sheegay in maalin kasta ay dhacaan weerarro iyo falal amni darro oo saameyn ku leh shacabka Calmiskaad isagoo tusaale u soo qaatay xoolo laga dhacay qaar kamid ah dadka reer miyiga ah. Wuxuu xusay in aan la aqbali karin in dad rayid ah ay sii joogaan goob dagaal culus ka socdo.

Guddoomiye Baarri ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Puntland ay sii laba jibbaarayaan howlgalada militari, isagoo tilmaamay inay jiraan khasaarooyin iyo dhacdooyin amni darro oo ka dhacay deegaanka muddadii u dambeysay.

Hadalka guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Puntland ayaa kusoo beegmaya maalmo kaddib markii qoys reer miyi ah lagu duqeeyay deegaanno ka tirsan buuraha Calmiskaad, halkaas oo ay ku dhinteen hooyo xaamilo ahayd iyo saddex carruur ah oo ay dhashay.

Previous article
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa khudbad uu ka jeediyay magaalada Kismayo kadib salaaddii Ciidda, si adag ugu weeraray  Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo ku eedeeyay in dowladdiisu ku fashilantay hoggaaminta dalka iyo ilaalinta wada-shaqeynta siyaasadeed. Axmed Madoobe ayaa sheegay in “waqtigii dowladda dhexe uu dhammaaday”, isagoo ku dooday in aan maanta jirin dowlad lagu kalsoonaan karo oo ay dhinacyada siyaasadda iyo dowlad-goboleedyadu wada shaqeyn la yeeshaan. Waxa uu sidoo kale sheegay in nidaamka siyaasadeed ee hadda jira uu lumiyay wadatashigii iyo is-afgaradkii lagu maamuli jiray doorashooyinka iyo arrimaha masiiriga ah ee dalka. Madaxweynaha Jubbaland ayaa dhaliilay qorshaha doorashooyinka qof iyo codka ah, isagoo ku tilmaamay mid aan weli hirgelin, islamarkaana horseeday, sida uu yiri, “doorasho dabran” oo lagu sii qorsheeyo cidda xilalka qabanaysa. Khudbaddiisa ayuu sidoo kale kaga hadlay xaaladda magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay in dad badan laga barakiciyay caasimadda, isla markaana uu “la qaybsanayo dhibaatada shacabka Muqdisho”. Waxa uu eedeyn u jeediyay kooxo uu ku tilmaamay “dhul-boobayaal” iyo dad sharciyeynaya dhul si sharci-darro ah lagu qaatay. Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu “dadka isu keeno” oo uu ka tanaasulo khilaafaadka sii kala fogeynaya dhinacyada siyaasadda. Waxa uu xusay in Soomaaliya u baahan tahay dib-u-heshiisiin iyo in talada dalka dib loogu celiyo shacabka Soomaaliyeed. Dhanka kale, khudbadda Madaxweynaha Jubbaland ayaa imaanaysa xilli uu cirka isku sii shareerayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyada iyo mucaaradka, kuwaas oo isku haya arrimaha doorashooyinka  iyo dastuurka.
Next article
QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe