Monday, May 18, 2026
HomeWararPuntland oo shaacisay doorashada qaar ka mid ah kuraasta baarlamaanka Aqalka Hoose

Puntland oo shaacisay doorashada qaar ka mid ah kuraasta baarlamaanka Aqalka Hoose

Guddiga Maamulka Doorashada Heer Dowlad Goboleed (SEIT Puntland) ayaa shaaciyey 10 kursi oo ka mid ah quraasta Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya.
Tallaabadan ayaa imanaaysa ayadoo uu taagan yahay khilaaf kale oo doorashada la xiriira oo u dhexeeya madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Rooble.

Dhanka kale maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa sheegay in ay ka qayb galayaan shirka Golaha wadatashiga Qaran ee uu ku baaqay Ra’iisal wasaare Rooble.
Waxaase si cad u qaadacay madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen oo sheegay in uusan shirkaa ka qayb galayn isagoo Ra’iisal wasaaraha ku eedeeyey in uu khilaaf ka dhex abuuray guddiyada doorashada.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe