Home Warar Puntland oo Cambaareysay Lacagtii loogu deeqay Somaliland

Puntland oo Cambaareysay Lacagtii loogu deeqay Somaliland

187

Maamulka Puntland ayaa sharci daro ku tilmaamay  lacag 1malyan ah oo dowladda federalka Soomaaliya ay shalay ku dhawaaqday in loogu deeqay maamulka Somaliland, oo dhawaan ay ku dhufteen duufaano xooggan oo sameyn weyn gaarsiiyay dad iyo duunyo.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdulaahi Cali Xirsi Timacadde  oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garowe ayaa cambaareeyay lacagtaan isagoo sheegay in loogu talo galay in Muuse Biixi hub loogu iibiyo islamarkaana lagu huriyo colaada ka taagan Sool.

Wasiirka ayaa xusay  Puntland inaysan kasoo horjeedin in shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan waqooyiga Soomaaliya lacagtaas wax loogu qabto, balse ay ka walaacsan yihiin in loo adeegsado arrimo siyaasadeed iyo abaabul colaadeed.

Dawladda Soomaaliya ayaa 1milyan oo Doollar ugu deeqday hawlaha gurmadka duufaatanadii ka dhacay degaanada Maamulka Somaliland.

Shir ayyeesheen Gudiga gurmadka Qaranka  oo uu shir gudoominayay Raiisal wasaare ku xigeenka dalka ayaay sheegay in Dawladdu ay dadaal badan ku bixisay sidii loo caawin lahaa muwaadiniinta ay saameeyeen fatahaadaha iyo roobabka dabaylaha watay ee ku dhuftay qeybo ka mid ah gobollada dalka.