Home Warar 182 Qof oo ka baxsaday Xabsi ku yaalla Nigeria

182 Qof oo ka baxsaday Xabsi ku yaalla Nigeria

165

Dowladda Nigeria ayaa shaacisay in xabsi weyn oo ku yaalla Gobolka Niger ee bartamaha dalkaas ay ka baxsadeen maxaabiis gaareysa 182.

Saraakiishs Dowladda Waxaa ay sheegeen in ay Xabsiga weerareen Koox hubeysan islamarkaana ay dad badan sidaas ku baxsadeen.

Wasiirka amniga gudaha Nigeria Abdulrahman Dabazzau,ayaa sheegay in 30 ka mid ah Maxaabiistaas dib loo soo qabtay halka inta kale ay maqanyihiin.

Laanta xabsiyada dalka Nigeria ayaa sheegtay in Xabsiga ay ku jireen 219 Qof,dadka maqanna ay ka badan karaan tirada ay hadda dowladda shaacisay.

Dowladdu waxaa ay sheegtay in weerarkan lagu qaaday saldhigga uu dhacay shalay,waxaana ay intaas ku dartay in ay baareyso sababta dhalisay in Xabsiga la weeraro maxaabiista tiradaas gaareysana ay baxsadaan.