Thursday, April 24, 2025
HomeWararKhilaafka Khaliijka oo Sanad Jirsaday iyo Somaliya oo uu Moojado Hor Leh...

Khilaafka Khaliijka oo Sanad Jirsaday iyo Somaliya oo uu Moojado Hor Leh Ku Noqday

Iyadoo uu Khilaafka Khaliijka haatan sannad jirsaday ayaa waxaa sii kordhaya sida ay Siyaaasiyiinta Soomaalida ugu kala safteen Dowladaha  Sacuudiga iyo Qatar, sidaa waxaa lagu sheegay Warbixin ka soo baxay Kooxda Xasaradaha Caalamiga ee ICG (The International Crisis Group).

Warbixinta ayaa lagu sheegay in ay Somalia saamaysay Khilaafka Khaliijka, isla markaana ay jiraan Kooxo kala taageersan Sacuudiga iyo Qatar oo xubno ka ah XFS iyo Barlamaanka Federalka.

“Kooxaha kala taageersan Gacanka hadday  tahay Toos iyo mid dadban waxay u muuqataa Kala-qeybsanaan aad u xun, oo adkeynaysa mowqifyadda DFS iyo kooxaha ka so ohorjeeda , isla markanaa ay caqabad ku tahay dadaalka lagu gaari lahaa Heshiiska” ayaa lagu yiri WarbixintaICG.

Khilaafka Khaliijka waxa kale oo uu saamayn ku yeeshay Tababarka Ciiddanka Qaranka Somalia, iyadoo ay dalal kala duwan u muuqdaan inay tababaraan qeybaha kala duwan ee Ciiddanka.

Agaasimaha Hya’adda ICG ugu qaabilsan Geeska Afrika. Rashiisd Candi ayaa sheegay in dalalka Khaliijka doonayaan inay la wareegaan Kontoroolka Badda Cas iyo Gacanka Carbeed.

Warbixinta ICG waxaa kaloo lagu muujiyey inay Deganaansho la’aan ku sii faafayso Goballadda, halka Dowlad-gobaleedyadda taageeradda ka hela Imaaaraadka Carabta ay mucaaradaan Dowladda Dhexe oo ay ku badan yihiin Siyaasiyiinta la safan  Qatar.

 Masraxa ugu weyn ee Khilaafka Khaliijka ayaa ahaa dalka Yemen oo wax yar ka baxsan Badda Somalia, halkaasi oo ay Sacuudiga iyo Imaaraadka taageeraan Dowladda Yemen ee ay Caalamka aqoonsan yihiin, halka ay Dowladda Iiraan taageerto Maleeshiyadda Kooxda Xuutiyiinta.

Warbixinta Kooxda Xasaradaha Calaamiga ee ICG waxay ka digtay in Somalia oo horey u burbursanayd ay si fudud ugu nugushay Khilaafka u dhexeeya dalalka Khaliijka

Warbixinta waxay kaloo ka dardaar werisay Haddii ay Somalia goob dagaal u noqoto Dowladaha Taajiriinta ee xoogga badan ee Khaliijka iyo Kooxaha Soomaalida kala taageersan in taasi noqon doonto Khatar kale.

                               Xigasho: washingtonpost.com

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe