Friday, April 25, 2025
HomeWararPortugal Oo Soomaaliya Ka Taageereysa La' Dagaalanka Al-shabaab

Portugal Oo Soomaaliya Ka Taageereysa La’ Dagaalanka Al-shabaab

Dowladda Portugal ayaa ku celisay sida ay uga go’an tahay inay ka hortagto Weerarada Al-Shabaab ay ka geystaan  Soomaaliya,islamarkaana ay taageero buuxda ay siiso dowladda dhexe ee Soomaaliya.

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Portugal ayaa lagu sheegay in Midowga Yurub ay u gudbin doonaan sidii dowladda dhexe ee Soomaaliya loo siin lahaa taageero dheeraad ah si kaga hortagto Weeraradda Qaraxyadda ah ee ka dhaca Muqdisho.

” Waxaa Xoogeystay weerarada argagixiso ee ka dhacaya Soomaaliya waxay u baahan tahay bulshada caalamka in ay laba jibaarto dadaalka ay ku taageerayaan dib u dhiska ah dalkaas. Portugal Waxa ay xaqiijineysaa sida ay uga go’an, gaar ahaan Midowga Yurub ee la dagaalanka argagixisada ee Soomaaliya” ayaa lagu sheegay War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu muujiyay in ay muhiim tahay ilaalinta midnimo  dadka Soomaaliyeed.

Waxaa ugu dambeyntii Warka lagu xusay in Portugal ay ka go’an tahay in ka qeyb qaadato sidii loo daaweyn lahaa dadkii ugu dambeeyay ee ku dhaawacmay Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe