Thursday, April 24, 2025
HomeWararPakistan Oo loo Magacaabey Ra'iisul Wasaare cusub.

Pakistan Oo loo Magacaabey Ra’iisul Wasaare cusub.

Ra’isul wasaaraha xilka ka dagaya ee dalka Pakistan Shaahid Khan Cabbaasi ayaa shaaciyay in Ra’isalwasaraha ku meel gaarka ah ee dalka Pakistan loo magacaabay Naasir Ul Mulki oo horay u soo noqday Madaxa caddaaladda dalka Pakistan.

Ra’isul wasaare Shahid Khan ayaa waxaa uu jeediyay Khudbad isaga oo uu garab taaganyahay hoggaamiyaha mucaaridka ah ee Pakistan, Sayid Khurshid Axmed Shaah,waxaana uu sheegay in uusan jiri karin qof Pakistan u dhashay ootaagi kara far ka soo horjeedda Ra’isalwasaaraha KMG ah.

Naasir Ul Mulki waxaa uu dalka Pakistan hoggaamin doonaa ilaa Bisha July ee soo socota inta ay ka dhaceyso doorashada,waxaana la kala dirayaa Khamiista soo socota Xukuumadda Cabbaasi iyo Golaha Baarlamaanka Pakistan.

Tani waxaa ay soo gaba gabeeyneysaa todobaadyo buuq dhinaca awoodda ah oo u dhaxeeya Xisbiyada Cabbaasi iyo Sayid Khurshid uu ku jiray dalka Pakistan.

Ra’isul wasaaraha KMG ah iyo xukuumaddiisuba ma sameyn karaan go’aan weyn oo saameyn ku yeelan kara hab maamulka dalka,waxaana kaliya go’aankaas xaq u leh dowlad shacabka ay doorteen taas oo xilliga ugu soo horreeya ay tahay doorashooyinka Bisha July ee soo socota dhacaya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe