Thursday, February 13, 2025
HomeWararSAWIRRO:- Mashaariic Horumarineed Oo laga Hirgaliyay Degmada Warshiikh.

SAWIRRO:- Mashaariic Horumarineed Oo laga Hirgaliyay Degmada Warshiikh.

Mashaariicdaan Horumarineed ee laga  Hergalinayo  Degmada Warshiikh  ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ka mid ah  Ceel Biyood oo leh biyo macaan kaasi oo ay dhagax  dhigeen Maamulka degmada Warshiikh iyo mas,uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabeele iyadoo uu taaganyahay  riiqii Ceelka qodayay iyo masharuuc degmada Warshiiq looga  sameynayo soolarka leerarka Cadceeda ku shaqeeyo oo laga  hergaliyay degmada Warshiikh  ee gobolka  Shabeelaha dhexe

Degmada Warshiiq oo ka tirsan  Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa horay ugu jirtay Biyo xumi iyadoo aysan laheyn Ceel biyood wanaagsan waxaana ku yaala Ceel Biyood leh biyo dhanaan ah oo  bulshada  ku nool degmada Warshiikh ay  ka haysatay  dhibaatooyin dhinaca helitaanka biyo Nadiif ah iyo  waxey ciriiri ay ugu jireen helitaanka koron joogta ah oo aysan laheyn degmada

Gudoomiyaha Degmada Warshiiq  ee Gobolka shabeelaha dhexe  Axmed xuseen Axmed shiidka  ayaa  ka warbixiyay mashaariicda  horumarineed ee laga hergalinayo degmada warshiiq.

Xildhiban  Maxamuud Xuseen  Mooge oo ka mid ah Xildhibanada  Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeele  ayaa ka  hadlay  muhiimada  mashaariicdan  lagu hormarinayo degmada  wuxuuna ku booriyay  bulshada  ku nool degmada Warshiiq  in ay ka shaqeeyaan horumarka degamda.

Michael  Kenya kisa oo ka socday  hay ,adda  Ceelka qodaysay oo lagu magacaabo  Somali Stability  Fun  ayaa  ka hadlay faa,iidada Ceelkan uu u leeyahay bulshada ku nool degmada Warshiikh.

Wasiirka wasaaradda  biyaha Tamarta iyo macdanta ee dowlad goboleedka Hirshabeele Axmed muuse Xuseen  ayaa sheegay in wasaaradda  biyaha   Tamarta iyo macdanta ee dowlad goboleedka Hirshabeele ay ka shaqeyn doonto horumarka  gobolka Shabeelaha dhexe .

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe