Home Warar NISA oo sheegtay In Ay Gacanta Ku Dhigtay Ragii Ka Danbeeyay Qaraxyadii...

NISA oo sheegtay In Ay Gacanta Ku Dhigtay Ragii Ka Danbeeyay Qaraxyadii Muqdisho Ka dhacay

240

Waxaa gacanta lagu soo dhigay ragii ka dambeeyay qaraxyadii maanta Muqdisho gilgilay sida ay sheegeen NISA.

Ciidanka amniga Qaranka ayaa Gacanta kusoo dhigay hoggaamiyihii howlgalka qaraxyadii Al-shabab ee Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo wadahii Gaarigii danbe ee ku qarxay Taallada Daljirka dahsoon, kaas oo qarxay xilli ay Ciidanka amniga Gacanta ku hayeen , kadib markii shacabka laga fogeeyay sida ay NISA sheegeen.

War qoraal ah oo lasoo dhigay barta Twitter-ka ee hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in weeraradan qorshahoodu uu ahaa in lagu beegsado xarunta Murtida iyo madadaalada ee National Terte-ka Qaranka,halkaas oo Maalmahan ay ka socdeen dayactir.