Saturday, March 22, 2025
HomeWararFAAFAAHINO Qarx Muqdisho Ka Dhacay

FAAFAAHINO Qarx Muqdisho Ka Dhacay

Waxaa ay faahfaahin kala duwan ay kasoo baxayaan qaraxyo xoogan oo Muqdisho ka dhacay, waxaana lasoao arinayaa in dhimasho iyo dhaawacba ay ka dhasheyn qaraxyadaasi.

Gudoomiye Ku xigeenka dhanka ammaanka & Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Tuulax & Xildhibaan Warsame Joodax ayaa dhaawacyo ka soo gaareen qaraxyadii ka dhacay Muqdisho.

Sidoo kale waxaa dhintay askar ilaalo u aheyd Gudoomiye Ku xigeenka amniga Gobolka Banaadir Tuulax, waxaa kale oo la xaqiijiyay inuu dhintay Wariye Cawil Daahir Salaad oo Tv-ga Universal ka tirsan & qaar ka mid ah Shaqaalaha Tv-ga.

Sidoo kale waxaa dhintay illaa saddex askari oo ka tirsan ciidanka Koofi gaduuda ee ku sugnaa Koontaroolka weerarka Ismiidaaminta ah uu ka dhacay ee Isgoyska Tiyaatarka Muqdisho.

Qaraxa koowaad ayaa lala beegsaday bar koontorool oo ku taalla afaafka hore ee Taiyaatarka Qaranka, halka midka labaadna lala beegsaday taalada Daljirka daahsoon oo aan sidaas kaga sii fogeyn halka qaraxa koowaad uu ka dhacay.

Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxyadan maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee dhimashada & dhaawaca sababay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe