Saturday, April 20, 2024
HomeWararNin Hooyadiis ku dilay Muqdisho oo isna la dilay

Nin Hooyadiis ku dilay Muqdisho oo isna la dilay

Ninka oo lagu Magacaabo Cabsiiye Cadaan ayaa waxaa uu Hooyadiis uu ku dilay Hoygooda oo ku yaalla meel u dhow Isbitaalka Keysaneey ee degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Dilka ayaa Ninka Hooyadiis waxaa uu u adeegsaday tooreey, waxaana sababaha dilka keenay  lagu sheegay kadib markii Nin uu Hooyadiis ka dalbaday in ay u iibiso Boos dhaxal ah balse ay ka diiday.

Mid kamid ah Ehellada Hooyada la dilay ayaa Risaala u sheegay in Wiilka  oo isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya uu soo qaatay tooreey, isla markaana uu Hooyadiis dhowr jeer ku dhuftay sidaasina ay ku geeriyootay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Walaalkiis ka yar iyo Wiil kale oo deris la’ah oo hooyada u soo gurmaday uu Tooreey ku dhuftay, kuwaas oo lagu dabiibayo Isbitaalka Keysaneey ee degkada Kaaraan.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in  Ciidamo ka tirsan laamaha Ammaanka ay toogteen, kaddib markii ay naftooda kala baqeen, iyaga oo doonayay inay qabtaan uu tooreey la soo aaday.

Dhacdada uu Ninkaasi ku dilay Hooyadiis ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa aad looga hadal haayaa Xaafadaha degmada Kaaraan & Guud ahaan Magaalada Muqdisho, iyada dhacdooyinka noocaan oo kale ah ay dalka kusoo bateen.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe