Saturday, March 15, 2025
HomeWararGoobaha Ganacsiga Magaalada Qardho oo xiran & banaanbax ka dhacay

Goobaha Ganacsiga Magaalada Qardho oo xiran & banaanbax ka dhacay

Wararka naga soo gaaraya Magalada Qardho  ee Xarunta Gobolka Karkaar ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta ay xiran yihiin inta badan goobaha ganacsiga ee Magaaladaas.

Arrintaan ayaa waxaa loo aaneynayaa sicirka bararka dollarka oo maalmihii la soo dhaafay ka taagnaa Magaalada, waxaana meelaha xiran kamid ah, Goobaha lagu iibiyo Qudaarta, Hilibka & Ganacsiyada kale ee yaryar.

Sarifka dollarka ayaa gaaray halkii ugu sareeyay abid Magaalada Qardho, waxaana taasi ay keentay in Ganacsatada qaar ay diidaan in wax looga iibsado lacagta Shillinka Soomaaliga.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in qaar kamid ah Ganacsatada yar yar iyo bulshada ay Maanta Magaalada Qardho ka dhigeen banaanbax ay uga cabanayaan sicirka bararka dhanka Dolalrka ah.

Qaar kamid ah dadka banaanbaxa dhigayay ayaa waxaa ay sheegeen in ay yihiin dad danyar ah, balse la diiday lacagta shillin Soomaaliga ah oo ay isticmaaleen, waxaan ay ugu baaqeen madaxweynaha puntland in uu arrintaan waxka qabto.

Waxaa ay sidoo kale ugu baaqeen Madaxda Dowladda in qofkii diida isticmaalka lacagta Shillinka Soomaaliga ay tallaabo ka qaadaan maadaama ay mas’uul ka yihiin degaannada kala duwan ee  Puntland

Magaalooyinka Gaalkayco & Garoowe ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaa ka jiray banaanbaxyo looga soo horjeeday sicir bararka, waxaana inta badan xiran Goobaha Ganacsiga ee Magaalooyinkaas.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe