Maxkamad ku taalla waqooyiga Kano ayaa dacwad kusoo oogtay nin lagu eedeeyay in uu sameeyay isla markaana baahiyay muuqaalkii been abuurka ahaa ee ku saabsanaa madaxweynaha Nigeria Buhari oo xaas labaad guursanayo.
Muuqaalka ayaa muujinayay madaxweyne Buhari oo la aqal galayo wasiirka qaabilsan arrimaha banii’aadanimada Sacdiya Cumar Faaruuq.
Kabiru Mohammed oo ah ninka lagusoo eedeeyay in ka dambeeyay muuqaalka been abuurka ah arooska madaxweyne ayaa la xiray bishii Jannayo balse ayaa lagu soo oogay dacwadda.
Dowladda waxay sheegtay in ninkan uu qirtay in isaga uu sameeyay muuqaalka.
Maxkamadda waxay sheegtay in muuqaalka uu waxyeelleen u geystay sumcadda madaxweynaha iyo dadkii lala xiriiriyay falalkaas beenta ah.
Waxaana laga codsaday maxkamadda in Kabiru Mohammed loo diido in lagu soo daayo damaanad isla markaana la bilaabo baaritaan ku aadan arrintaas si talooyin dhanka sharciga ah looga raadsado wasaaradda caddaallada ee gobolka Kano.
Balse maxkamadda ayaa damaanad kusii daaysayn ninkan, waxaana la filayaa in dhageysiga dacwadda loo heysto ay bilaabato 5-ta bisha Febraayo ee sanadka 2021-ka.
Sanadkii hore ayay aheyd markii baraha bulshada la isla dhexmarayay wax lagu sheegay in madaxwayne Buhari uu guursaday Sadiya Faruuq oo ka mid ah golaha wasiirada.