Sunday, March 23, 2025
HomeWararDowladda Soomaaliya oo ku baaqday joojinta dagaal beeleedyada Mudug

Dowladda Soomaaliya oo ku baaqday joojinta dagaal beeleedyada Mudug

Odoyaal dhaqameed Muqdisho ku sugan ayaa baaq nabadeed u diray dad walaalo ah oo maalmihii la soo dhaafay ku dagaalamayay deegaanka Hul-dooyaale oo bari kaga began Gobolka Mudug.

Suldaan Cali Horseed iyo Imaam Cumar Macalin Abshir ayaa baaq nabadeed u diray dadka walaalahaa ee ku dagaalamaya deegaanka Hul-Dooyaale, iyagoo dalbaday in si sharuud la’aan lagu xoojiyo dagaalka.

Wasiir ku-xigeynka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa ugu baaqay in ay xabadda joojiyaan nabadda iyo wadajirkana ay ilaaliyaan dadka wada dhashay ee halkaasi ku dagaalamaya, isagoo intaa ku daray in wakasta ay ku dhameeyaan miiska wada hadalka.

Maamulka Galmudug ayaa sidoo kale dhawaan sheegay in ay u diri doonaan ciidamo si loo kala dhexgalo beelaha dagaallamaya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe