Thursday, May 7, 2026
HomeWararDowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo kala saxiixday heshiis cusub

Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo kala saxiixday heshiis cusub

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Mashruuc uu ku baxaayo dhaqaalle badan la saxiixday Midowga Yurub, kaasoo loogu tala galay horumarinta kaabayaasha dhaqaallaha.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in Mashruucaan uu yahay mid muhiim ah oo lagu horumarinaayo dalka, islamarkaana sanadkaan ay si gaar ah diirada u saari doonaan horumarinta.

Waxaa uu tilmaamay in xukuumaddiisa ay ka go’an tahay horumarinta kaabayaasha dhaqaallaha.

“Waxaan maanta goobjoog u noqday saxiixa iyo bilowga wajigii labaad ee barnaamijka lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka, kaas oo ay ku baxayso lacag gaareysa 98.2 Milyan oo Euro. Waxaa heshiiska saxiixay wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Mudane Nicolas Berlanga” ayuu yiri Mudane Rooble.

Waxaa uu intaasi kusii daray” Waxaan rajeynayaa in barnaamijkani wax badan ka taro koboca dhaqaalaha dalka”

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe