Wednesday, June 3, 2026
HomeWararDibaddaMW JFS oo Dhuusamareeb u tegaya dardargelinta dagaalka ka dhanka ah ‘AS’.

MW JFS oo Dhuusamareeb u tegaya dardargelinta dagaalka ka dhanka ah ‘AS’.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu wadaa in uu tago Magaalada Dhuusamareeb xarunta Dowlad-Goboleedka Galmudug si uu u dardargeliyo wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah ‘AS’.

Sida ay xaqiijiyeen ilo la hadlay Mustaqbal, Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud wafdi hordhac u ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay gaaray Magaalada Dhuusamareeb xarunta Dowlad-Goboleedka Galmudug si ay uga qaybgalaan soo dhaweynta Madaxweyne Xasan.

Ammaanka guud ee Xarunta Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa la adkeeyay, Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb iyo Aqalka Madaxtooyada waxaa la geeyay ciidamada & mas’uuliyiinta Amniga Madaxweyne Xasan Sheekh sugaya.

Ujeedka ugu weyn ee Safarka Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ee Dhuusamareeb waa dardargelinta wajiga labaad ee howlgallad ka dhanka ah ‘AS’ gaar ahaan deegaannada ay wali joogaan sida deegaannada hoostaga Degmada Ceelbuur.

Ciidamo ka qaybgalaya howlgalkaas ayaa lagu diyaariyay Gobolka Galgaduud, Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in dhowaan uu si toos ah u billaabanayo wajiga labaad ee howlgalkaas si loo xaqiijiyo in Deegaannada DG Galmudug laga saaray ‘AS’ waa sida hadalka loo dhigay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe