Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo la hadlay Ciidamo katirsan Kumaandooska DANAB ayaa ku dhiirrageliyay in ay xoojiyaan howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee wajigiisa labaad abaabulkiisa socda.
Wasiir Cabdulqaadir ayaa ciidamada ugu baaqay in ay naxariis iyo dulqaad ay u muujiyaan shacabka maadaama uu sheegay in ‘AS’ ay dhibaatooyin kala duwan kala kulmeen Dadkaas una baahan yihiin in ay helaan Dad u tura.
Dowladda Federaalka ayuu sheegay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur in aanay ka hagran doonin garab istaagga ciidamada howlgallada ku jira oo ah waajib saaran.
“Dadka Soomaaliyeed waxaa marweliba quluubtooda ku weyn waxaa waaye Nimankaas ummadda dhibaateeyay oo sharafkooda, diintooda & maalkooda goormee naga dhammaanayaan? Dadkii soo afjari lahaa oo ka jawaabi lahaa su’aalahaas waa Ciidanka Qaranka, Dowladdiisa oo uu ugu sarreeyo Madaxweynaha Qaranka ma idinka hagran doonto wax weliba oo ay idiin awooddo” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga XFS.
Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa ‘AS’ ku eedeeyay in dadka ku nool deegaannada ay ku sugan yihiin ay kahor istaageen wax weliba oo wanaagsan sida Waxbarashada, Maalka & Fikirka waa sida uu hadalka u dhigay.
“Wax weliba oo wanaagsan waxaa ummadda Soomaaliyeed u diiday ‘AS’ sidaas awgeed waa in aan dalka ka saarnaa, Canugii wax baran lahaa wuu tahriibayaa, kii dalka dibaddiisa ka imaan lahaa wuu cabsanayaa, Ardayda marka Hooyadiis Dugsiga ay u direyso waxa ay leedahay masoo laaban doonnaa, illaa goorma ayaa arrintaas lagu noolaan karaa? Waxa aan rajeynayaa in lagu guuleysto waxyaabaha laga shaqeynayo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka Gaashaandhigga XFS.
Wasiir Jaamac ayaa sheegay in ay jiraan Dad u bareeray in ay ‘Magac-Dil’ ku sameeyaan Ciidamada Xoogga Dalka isla markaana faafinaya Muuqaallada ay duubeen ‘AS’ si ay isaga dhigaan in ay ka damqanayaan dhibaatooyinka ciidanka balse sidaas aanay ahayn ujeedkooda.
“Waxa aad arki doontiin Dad badan oo xumaanta jecel oo idinla soo doonan doonna, qaarkood Idaacadaha ayay la taagan yihiin oo isma qarin karaan muuqaallada Khawaariijta inta cod soosaartaan ayay jidadka la taagan yihiin, Xumaan wadayaashaas & shar wadayaashaas oo aan wax badan dheereen Khawaariijta waa in aad ka feejignaataan” Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in uu socdo diyaargarowga wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah ‘AS’ oo ka ballaaran qaybtii hore sida ay Dowladdu shaacisay maadaama ay ka qaybgalayaan waddamada deriska ah sida Jabuuti, Itoobiya & Kenya.

