Home Warar MW. Farmaajo oo shaqada ka eryay gudoomiye ku xigeenadii Maaliyada & Aminga...

MW. Farmaajo oo shaqada ka eryay gudoomiye ku xigeenadii Maaliyada & Aminga G/Banaadir kuwa kalana magacaabay!

216
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shaqada ka eryay gudoomiye ku xigeenadii maamulka iyo maaliyadda iyo amniga & Siyaasadda gobolka Banadir waxa uuna xilalkaasi u kala magacaabay Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud Iyo Cali Cabdi Wardheere  oo loo yaqaano Cali Yare Cali.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale u magacaabay Faarax Cabdi Diini Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir, halka Xiireey Axmed Rooble uu u magacaabay Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir.
Halkaan ka aqri Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO ISBEDDEL KU SAMEEYEY MAAMULKA GOBOLKA BANAADIRMuqdisho, Nofeembar 14, 2020:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Mudane Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, ahna Kuxigeenka 1-aad ee Guddoomiyaha Gobolka iyo Duqa magaalada Muqdisho, halka Cali Cabdi Wardheere loo magacaabay Ku Xigeenka Amniga iyo Siyaasadda.

Madaxweynaha oo sidoo kale tixraacaya, talo soojeedinta Golaha Xukuumadda iyo qorshaha Ra’iisul Wasaaraha ee la xiriira dardar gelinta howlaha soocelinta bilicda Caasimadda ayaa u magacaabay Mudane Faarax Cabdi Diini Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir, halka Mudane Xiireey Axmed Rooble loo magacaabay Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey dhammaan masuuliyiintan uu magacaabay in ay degdeg u hirgeliyaan qorshaha hormarineed ee laga sugayo, uguna adeegaan shacabka Soomaaliyeed ee Gobolka Banaadir si daacadnimo iyo waddaniyad leh, wuxuuna ku ammaanay gudoomiyeyaashii hore ee xilalkan soo hayey wakhtiga ay u hureen u adeegidda shacabkooda iyo dalkooda.

DHAMMAAD