Friday, December 5, 2025
HomeWararMusharaxiinta Mucaaradka oo sheegay in boob lagu hayo hantida qaranka{AKHRISO}

Musharaxiinta Mucaaradka oo sheegay in boob lagu hayo hantida qaranka{AKHRISO}

Golaha ay ku midoobeen musharaxiinta mucaaradka ayaa walaac xoogan ka muujiyay heshiisyada ay xilligaan kala guurka ah dowladda dhexe la galeyso shirkadaha baara shidaalka.

Warqad ay soo saareen ayey ku sheegeen in arintaas ay tahay boob hanti qaran oo aan geed loogu soo gamban, maadaama dalka uu hadda ku jiro marxalad kala guur ah.

Wasaaradda Batroolka ayaa mudooyinkii ugu dambeysay ka shaqeyneysay ruqsad siinta shirkado laga leeyahay dalka Turkiga, waxaana wafdi wasaaradda ka socda uu maalmahii ugu dambeeyay ku sugnaa wadankaas.

Golaha ay ku midoobeen musharaxiinta mucaaradka waxey nasiib darro u arkaan in xiligaan lagu soo beego heshiisyada arinta Batroolka.

HALKAAN KA AKHRISO QORAALKA GOLAHA:

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe