Home Warar faafaahin:Galmudug oo fashilisay Qarax

faafaahin:Galmudug oo fashilisay Qarax

116

Ciidamada Booliska  Caasimada Galmudug Dhuusamareb ayaa gacanta ku dhigay waxyaabaha qarxa oo ay sheegeen in la dhigay xaafad ka mid ah Magaalada Dhuusamareeb.

Booliska ayaa qabtay Qaraxaan oo ahaa miino iyo sidoo kale agabkii lagu hagaayay, waxaana ay sheegeen in ay waddaan baaritaano ku aadan cida falkaan abaabushay.

Booliska waxa ay sheegeen in Qaraxaan ay qabteen ka dib markii dadka degaanka ay kusoo wargaliyeen ciidanka booliska.

Qaraxaan oo ahaa miino lana fashiliyey ayaa lagu aasay Dhabarka Danbe ee Saldhiga  Booliska Dhuusamareeb.

Habeeno ka hor ayaa sidaan oo kale ayeey aheed markii ciidamada Amniga ay fashiliyeen qarax kan oo kale ah