Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay joojiyaan xaflad Muqdisho uu ku qabsan rabay Musharax Madaxweyne Mustaf Sheekh Cali Dhuluxow oo ka tirsan Midowga Musharaxiinta.
Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa sheegay in laga hor istaagay kulan uu la lahaa dhalinyaro dhan 500, oo ah hogaanka dhalinyarada.
Kulankaan ayaa ka dhici rabay hoteelka Afriik ee Muqdisho, iyadoo xilliga la joojiyay inta badan dhalinyarada ay soo galeen hoteelka.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha Ammaanka dowladda Soomaaliya oo ku aadan sababta keentay in la joojiyo xafladda.