Sunday, June 21, 2026
HomeWararDibaddaMudanayaasha Golaha Shacabka oo Hindise Sharciyeedka Howlgabka dib ugu celshay Guddiga Arrimaha...

Mudanayaasha Golaha Shacabka oo Hindise Sharciyeedka Howlgabka dib ugu celshay Guddiga Arrimaha Bulshada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS Cabdullahi Cumar Abshirow, ayaa maanta shir guddoomiyay Kalfadhiga Seddaxaad kulankiisa 21-aad ee Golaha Shacabka.

Kulanka maanta ayaa ajandihiisu waxa uu ahaa ka doodista Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda iyo Siyaasadda Howlgabka Shaqaalaha Rayidka oo Wasaaradda Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada horgeysay Golaha.

Ugu horreyn Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dood ka yeeshay sharcigaan, iyaga oo shirguddoonka ka codsaday in dib loogu celsho Guddiga arrimaha Bulshada, sida ay dib u eegis ugu sameeyaan sharcigaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in hindise sharciyeedka howlgabka dib looga celiyey Gudigga arimaha bulshada si ay is badal ugu soo sameeyaan dood ka timid qodobada qaar ee sharciga.

Shirka Golaha Wasiirrada ee qabsoomay March 11, 2023-ka uuna shirguddoomiyey Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa lagu meel-mariyey Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda iyo Siyaasadda Howlgabka Shaqaalaha Rayidka.

Sharcigani oo ah mid ilaalinaya xuquuqda Shaqaalaha Dowladda ee howl-gabka noqda iyo kuwa ay waxyeelladu soo gaarto iyaga oo gudnaya waajibaadka qaranka ayaa waxaa soo gudbiyey Wasaaradda Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe