Sunday, June 21, 2026
HomeWararDibaddaMadaxweyne Axmed Madoobe oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Madaxweyne Axmed Madoobe oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee ah Caasimada Maamul Gobaleedka Galmudug.

Wafdiga Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa garoonka diyaaradaha waxaa ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweyne kuxigeenka Galmudug iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan labada gole ee Maamulka Galmudug.

Safarka Madaxweynaha Jubaland ee magaalada Dhuusamareeb ayaa ku aadan ka qayb galka shirka Madashada Wadatashiga Qaran oo uu daah furi doono madaxweynaha Jamhuuriyada Faderaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa ku sugan Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ku xigeenkiisa Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynayaasha Maamul Gobaleedyada Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Duqa Muqdisho Yuusuf Jimcaale Madaale.

Todobaadkaan gudihiisa ayaa la filaya Magaalada Dhuusamareeb in uu ka furmo shirka Madashada Wadatashiga Qaran, kaas uu shirguddoominaya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana la filayaa in diiradda lagu saaro arrimo ay ka mid yihiin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, doorashooyinka iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad gobaleedyada.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe