Sunday, June 21, 2026
HomeWararDibaddaGuddoomiye Cabdi Xaashi: “Dalkani dagaal ayuu galay ee aan ka qaybgalno”.

Guddoomiye Cabdi Xaashi: “Dalkani dagaal ayuu galay ee aan ka qaybgalno”.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta la hadlay Senatarrada Aqalkaas ayaa soo jeediyay in wadajir looga qaybgalo dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ ee socda.

Labada Sharci ee horyaalla Golaha Aqalka Sare ayuu Senatarrada usoo jeediyay in sida ugu dhaqsiyaha badan loosoo gabagabeeyo kaddibna la galo fasax fursadda ka dhalata looga qaybgalayo howlgallada looga soo horjeeda ‘AS’ waa sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa tusaale usoo qaatay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya & madaxda kale ee Dowladda ay qayb ka qaadanayaan dagaallada sidaas awgeed aanay aqalka Sare waxba ka duwaneen.

“Labo arrimood oo yaryar baan rabaa in aan idiin sheego, mid waa labo sharci oo aan gacanta ku hayno ayaa rabnaa in aan dadejino, midna dalkani dagaal buu la galay ‘AS’ oo waad arkaysaan Madaxweynuhu waxa uu fadhiyaa Dhuusamareeb, Golaha Shacabka waxa uu ii sheegay in aanay kooram hayn oo 60 Xildhibaan keliya joogaan, marka waxaa habboon in aan wadatashano oo fasaxeenna aan kawada dhiganno si aan dhammaanteen dagaalka uga wada qaybqaadano” ayuu yiri Guddoomiyaha Aqalka Sare BJFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Jimcihii sheegay in ay soo dhaweynayaan Xildhibaannada dib ugu laabtay Deegaan doorashadooda si ay qayb uga noqdaan dagaallada ka dhanka ah ‘AS’.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe