Friday, December 13, 2024
HomeWararGudahaMidowga Yurub oo Soomaaliya ka taageeraya xasilinta deegaanada Khawaarijta laga saaray

Midowga Yurub oo Soomaaliya ka taageeraya xasilinta deegaanada Khawaarijta laga saaray

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Brussels kula kulmay Madaxwaynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles Michel.
Labada Madaxweyne ayaa isla soo qaaday arrimo ay ka mid yihiin dadaallada ay dowladda Soomaaliya ugu jirto ciribtirka Khawaarijta iyo iskaashiga Midowga Yurub iyo Soomaaliya ee dhinacyada amniga, geeddi-socodka dowlad-dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqan-dhaqaale ee bulshada.
Madaxweynaha Brussels uga qaybgalaya shirka Midowga Yurub iyo wadamada soo koraya ayaa sidoo kale soo bandhigaya sida ay xilligan Soomaaliya muhiim ugu tahay wadamada Midowga Yurub, maadaama ay ku jirto marxalad dib u kabasho ah oo ay doonayso inay caalamka la falgasho.
QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe