Home Warar Midowga Yurub oo joojiyay dhaqaalihii uu siin jiray Itoobiya

Midowga Yurub oo joojiyay dhaqaalihii uu siin jiray Itoobiya

40

Midowga Yurub ayaa waxay hakiyeen in ka badan 100 milyan oo doolar oo gargaar ahaan loo siin lahaa Itoobiya tan iyo inta hay’adaha gargaarka loo ogolaanayo inay galaan gobolka Tigrey si dadka halkaasi loo gargaaro.
Wadamada Midowga Yurub ayaa waxay sheegeen in walaac xooggan ay ka qabaan wararka sheegaya in dilal lala bartilmaameedsanayo qowmiyado gaar ah iyo waliba suurtagalnimada in dambiyo dagaal ay ka dhaceen gobolka Tigrey ee waqooyiga Itoobiya.

Militariga Itoobiya ayaa waxay duullaan ku qaadeen bishii November gobolka Tigrey ka dib markii ay xoogagga TPLF weerareen saldhig milatari oo ku yaalla gobolkaasi.
Dowladda fedaraalka Itoobiya ayaa isla dabayaaqadii bishaasi waxay ku dhawaaqday in howlgalkii ay qaaday uu guuleystay, balse midowga Yurub ayaa dhankooda sheegaya in xaaladu ay wali tahay mid halis ah.

Dagaalkan ayaa waxaa uu halis galinyaa xasiloonida guud ahaan gobolka, ayaa lagu yiri war ka soo baxay Midowga Yurub.
Dowladda rai’sul wasaare Abiy Ahmed ayaa dhankeeda ku adkeysanaysa inay isticmaashay awoodd xaddidan oo lagu sugayay amniga islamarkana caddaaladaa lagu hor keenayo”koox daambiilayaal ah”.
Tan iyo dabayaaqadii bishii November waxaa militariga Itoobiya ay howlgal ay ku baacsanayaan saraakiishii TPLF ay ka wadeen gobolka Tigrey