Home Warar Qoor Qoor & Cali Guudlaawe oo kulamo looga hadlayo doorashooyinka ka wada...

Qoor Qoor & Cali Guudlaawe oo kulamo looga hadlayo doorashooyinka ka wada Muqdisho

126

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle oo weli ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa la kulmay Wasiirada, Wasiir Kuxigeenada iyo Wasiiru dowlayaasha ugu jira Beesha Hawiye Xukuumadda. Iyaga oo ka wada hadlay Arrimo dhowr ah.
Wararka kulanka laga helay ayaa sheegaya in labada dhinac ay ka wada hadleen xaaladaha siyaasadeed, amniga, doorashooyinka ee deegaanada ay matalaan oo xilligan ka mid ah meelaha ugu liita ee xaaladahooda amni, horumar iyo adeegyo aas aasiga ah laga deyrinayo.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ay siweyn uga hadleen sidii amniga looga shaqeyn lahaa, doorashooyinka soo socda si ammaan uga dhici lahaayeen maadaama degaannada labada Maamul ee Galmudug iyo Hir-Shabeelle ay mararka qaar ka dhacaan falal Amni darro.
Risaala Wararka ay kulanka ka heshay ayaa sheegaya in Wasiirada ay ka dalbadeen Madaxweynayaasha labada dowlad Goboleed inay raadiyaan xuquuqda matalaadda Gobolka Banaadir, iyagoo ka faa’ideysanaya u dhowaanshahooda xilligan ee Dowladda Federaalka, inkastoo heshiiskii doorashada ee lagu saxiixay Muqdisho 17 September 2020 aanu qeyb ka aheyn arrinta Matalaada Gobolka Banaadir oo aan haba yaraatee heshiiskaas lagu soo darin.
Xilligaan ayaa waxaa uu khilaaf xoogan uu kajiraa Arrimaha doorashooyinka dalka, iyada dhowr jeer ay fashilmeen wada-hadallo la doonayo in lagu xaliye, waxaana ay u muuqataa in loo daayay Xubnaha Beesha Caalamka oo culeys saaraya Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada.