Friday, April 17, 2026
HomeWararMid Ka Mid Ah Dhaqaatiirta Ajnabi Ah Ee Muqdisho City Oo...

Mid Ka Mid Ah Dhaqaatiirta Ajnabi Ah Ee Muqdisho City Oo U Geeriyooday Dhaawac Kasoo Gaaray Qarax Loogu Xiray Gaarigiisa

Waxaa Xalay Magalada Muqdiso ku geeriyooday Dr. Muhanad Cali Axmed  oo oo dhalashadiisu tahay dalka Siiriya,kaas oo dhawaan uu dhaawac culus kasoo gaaray qarax loogu xiray gaari uu saarnaa degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir.

Qaraxa uu dhaawaca kasoo gaaray Dr. Muhanad Cali Axmed   ayaa dhacay 21-kii bishan,waxaana uu ka mid  ahaa dhaqaatiirta Ajaanibta ah ee ka howlgasha Isbitaalka Muqdisho City Hospital ee Magalada Muqdisho.

Dhakhaatiirtan ayaa xiliga la beegsanayay waxa ay ka yimaadeen garoon ay ku soo ciyaareen Kubbada Cagta, kaas oo ku yaalla meel aan ka fogeyn Isbitaalka,sida xilliga qaraxa uu dhacay ay sheegeen qaar ka mid ah howl-wadeena Isbitaalka Muqdisho City.

Labadii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa waxaa lagu baxnaaninayay Isbitaalka Digfeer ee Magalada Muqdisho,waxaana la sheegay in lug iyo Gacan uu ka gooyay dhaawaca kasoo gaaray qarixii,hayeeshee ugu dambeyn uu Xalay u geeriyooday.

Waxaa jirtay dhaqaatiir kale oo kala ah mid siiriyiin iyo mid soomaali ah oo qaraxaasi uu dhaawac kasoo gaaray,hayeeshee saraakiisha Caafimaadka Isbitaalka ay sheegeen in xaaladooda ay tahay mid wanaagsan,isla markanaa la daweynayo.

Warar aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in Dr. Muhanad Cali Axmed   ee Caawa geeriyooday uu mudo Sanad ah ka howlgeliyay Isbitaalka Muqdihso City ee Magalada Muqdisho,isla markaana uu qaabilsanaa cudurada Cunaha, Sanka iyo Afka  (E.N.T).

Si kastaba ilaa iyo hadda majirto cid sheegatay inay ka dambeysay qaraxa lagu weeraray dhaqatiirtaas u dhashay dalka Siiriya ee ka tirsan Isbitaalka Isbitaalka Muqdisho City oo Xalay mid ka mid ah uu u geeriyooday qarax horay loogu  dhaawacay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe