Iyadoo magaalada Garowe ee caasumada dawlada Puntland ay ka socoto Qaban Qaabada Caleemo saarka Madaxweynaha Cusub iyo ku xigeenkiisa iyo sidoo kale soo dhawaynta Wafdiga ka qayb galaya Caleemo saarkaas ayaa maanta Garowe waxaa gaaray Wafdi ka socda Dawlada Soomaaliya.
Wefdi uu hogaaminayo Cabdi Xaashi cabdulaahi Gudoomiyaha golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goordhawayd kasoo dagay garoonka diyaaradaha Maxamed Abshir Airport ee magaalada Garoowe.
Masuuliyiin ay kamid yihiin Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland,madaxweynihii hore ee Puntland haatanna ah Senetar ka tirsan Golaha Aqalka sare Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole iyo wasiiro ayaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay wefdiga gudoomiye Cabdi Xaashi Cabdulaahi.
Ujeedka safarka uu gudoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi xaashi cabdulaahi uu ku tagay magaalada Garoowe ayaa lagu sheegay ka qeybgalka Munaasabada Caleema saarka madaxweynaha cusub ee Puntland Dr Siciid Cabdulaahi Deni iyo ku xigeenkiisa.
Wufuud kala duwan oo ka imaanaya dowlada dhexe ee Soomaaliya,maamul goboleedyada dalka,siyaasiyiin iyo masuuliyiin horey xilal uga soo qabtay dalka ayaa la filayaa in ay saacadaha soo socda iyaguna gaaraan magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland si ay uga qeybgalaan xafladda caleemo saarka madaxweynaha cusub ee dhawaan la doortay Dr Siciid Cabdulaahi Deni.
Maalinamada sabtida ah ee soo socota taariikhdana ay ku beegan tahay 26-ka bisha January ayaa la filayaa in magaalada Garoowe ay ka dhacdo xafladd lagu caleemo saarayo madaxweynaha dhawaan la doortay ee Puntland Dr.Siciid Cabdulaahi Deni, iyadoona ay kasoo qeybgali doonaan madax kala gadisan oo ka imaanaysa deegaanada ay soomaalidu ay dagto iyo dalka dibadiisa.