Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeele Maxamed Cabdi waare oo khudbad ka jeediyay Shirka Madaxda Maamul goboleedayada ayaa inta badan qodbadiisa diirada ku saaray arimaha Dastuurka oo sheegay in ay tahay halka kaliya ee lagu kala bixi karo.
tusaale ayuu MD Waare Dastuurka ugu Sooqaatay in uu yahay dhaxal waalid oo kala hagaya ilmaha uu waalidkaasi ka mootoodo loogana Baahanyahay DFS iyo Madaxda Maamul goboleedyada in ay ogaadaan waxa ay uga tagayaan Caruurtooda.
Waxa uu qalad ku tilmaamay eray bixinta loo isticmaalo dastuurka ee ah in uu qabyo yahay isaga oo sheegay in gudiga gacanta ku haya Dastuurka looga baahanyahay in Dhuudhuujinta Dastuurka ay ku eegaan il hooyo ee aysan ku eegin il eedo.
Mar uu ka hadlayay Dhanka Doorashooyinka Waxa uu sheegay in looga baahanyahay Madaxda Sare ee dalka arimaha doorashada iyo qaabka loo qabanayo ay kala tashadaan dadka doonaya in xilkaan ay u loolamaan.
Ururo Caalami ah oo ay Kamid yihiin QM,Midowga yurub,Midawga Afrika IGAD iyo kuwo kale oo soomaaliya ay ka mid tahay ayuu madaxweynaha Carabka ku dhuftay in ay leeyihiin nidaam iyo hab doorasho oo hadii ay soomaaliya khilaafto ay tahay Wax aan fiicneyn.
Gudiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Qaranka ayuu Carabka ku dhuftay Madaxweyne waare in aysan wax danbi ah lahayn ayna guteen waajibkii loo igmaday wixii talo dhimana ay ka tashan doonaan Madaxda Fidraalka iyo kuwa Maamul goboleedyada.
Ugu dambeyn Madaxweyne waare ayaa ka hadlay matalaada Gobolka Banaadir ay u ansixiyeen Golaha aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya waxa uuna sheegay in ay waajib u leeyihiin Shacabka Muqdisho in ay Matalaad helaan loona baahanyahay in madaxad go’aan ka gaaraan wixii matalaad loo siin lahaa Gobolkaasi.