Home Warar MD Axmed Madoobe Oo Baaq Culus u diray Madaxada DFS.

MD Axmed Madoobe Oo Baaq Culus u diray Madaxada DFS.

329

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed islaam oo khudbad ka jeediyay Shirka Dhuusa-mareeb ayaa si weyn uga hadlay arimaha Doorashooyinka Dalka waxa uuna si cad u sheegay in Madaxda Maamulada ay go’aan cad ka gaari doonaan qaabka doorasho ee dalka ka dhacaysa.

Waxa uu meesha ka saaray in Dalka ay ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah waqtigii loogu talo galay loona baahanyahay in la aado qaabka kale ee doorasho ku qabsoomi karto.

Madaxda Dowlad Goboleedyada ayuu sheegay in ay qayb weyn ka yihiin nidaamka Fidraalka isla markaana loo Baahanyahay in Dawlada ay aaminto in Maamuladu door wayn ku leeyihiin Siyaasada Dalka iyo Maraxaladaha kala guurka ah ee hada taagan.

Baaqashada Kulanka Amniga qaranka ayuu sheegay in ay tahay nasiib daro isaga oo dhanka kale carabka ku dhuftay in kulamadii hore ee Madaxda Dawlada iyo kuwa qaranka dhaxmaray waxyaabihii ka soo baxay aan wax badan laga fulin taasna ay tahay wax aan loo dulqaadan Karin.

Madaxda Fidraalka ayuu sheegay Madaxweyne axmed Madoobe in ay ku ixtiraamayaan Xilka iyo miisaanka ay dalka ku leeyihiin loogana baahanyahay in dhankooda ay garowsadaan ixtoraamka madaxada Maamul goboleedyada iyo saamileyda Siyaasada Soomaaliya.

Ugu dambeyn waxa uu xoojiyay Madaxweymne Axmed Madoobe in uu soo dhaweynayo nidaam kasta oo hormar iyo amni lagu gaarsiin karo wadanka Soomaaliya si quluubta Shacabka looga tiro Mahadhada ay quluubtooda ku reebeen Bur-burkii iyo Dagaaladii sokeye ee dalka ka dhacay.