Home Warar Madaxweyne Laftagareen”Dalka Doorasho ayaa ka dhaceysa waqtigii loogu talo galay”

Madaxweyne Laftagareen”Dalka Doorasho ayaa ka dhaceysa waqtigii loogu talo galay”

316

Madaxweynaha Maamulka KGS Cabdi casiis Lafta gareeb Oo Qudbad ka jeedinayay Shirka Madaxda Maamul goboleedyada Dalka ayaa sheegay in Xaalada Siyaasadeed ee Dalka Xiligaan ay Marayso meel Xasaasi ah marka la eego dhanka doorashooyinka waxa uuna Carabka ku dhuftay arimaha jira ay abuurtay Cabsida ku aadan in hadii doorasho dhici wayso dalka uu qalqal galo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Maamulkiisa uu ku kalsoonyahay in doorasho lagu wada qanacsanyahay ay ka dhacdo dalka ayna si weyb u soo dhaweynayaan go’aankii kazoo baxay shirkiigolaha wasiirada ee khamiistii qabsoomay.

Waxa uu carabka ku dhuftay Madaxweyne laftagareen in la joogo xiligii Madaxada Soomaaliyeed ay wada jir uga fikiri lahaayeen sidii dalkaan uu hor mar ku gaari lahaa ee aan la joogin xiligii lagu kala aragti duwanaan lahaa geedi socodka Dalka iyo Bulshada Soomaaliyeed.