Saturday, March 22, 2025
HomeWararMaxkamadda Gobolka Banaadir oo xukun dil ah ku riday sadex ruux...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukun dil ah ku riday sadex ruux…

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa dil ku xukuntay Saddex ruux oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dilkii & gubistii Xaafadda Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid loogu gaystay Marxuum la oran jiray Axmed Dowlo.

Marxuum Axmed Dowlo ayaa lagu dilay goobtiisa ganacsiga, kadibna lagu gubay Taariiqda markii ay aheyd 20/09/2018.

Dadka xukunka dilka lagu riday ayaa kala ah Xuseen Iidow Maxamed, Asli Axmed Cabdulle iyo Aweys Iidow Maxamed sida Maxkamadda ay ku dhawaaqday.

Sidoo kale Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa sii daysay Afar ruux oo kale oo kiiskaan loo haystay, kadib markii wax dambi ah lagu waayay.

Kiiskii dilka Marxuum Axmed Dowlo ayaa yimid, kadib markii wiil uu adeer u yahay xiriir jaceyl uu dhexmaray gabar ay daris ahaayeen, taasi oo ka careysiisay gabadha hooyadeed, ugu dambeyna goobtiisa shaqada lagu weeraray Axmed Dowlo oo lagu dilay, kadibna la gubay

QORAALADA LA XIRIIRA

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe