Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Shabellaha hoose ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga dalka Somaliya saaka ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Bariire.
Bariire ayaa qiyaastii 30-KM u jirta Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose, waxaana saaka weerar abaabulan ku qaaday Ciidamada Dowladda oo ugu dambeyn la wareegay.
Dagaalkii saaka ka dhacay Bariire lama oga khasaaraha ka dhashay inta uu la eeg yahay, balse wararka waxa ay sheegayaan inuu jiro Khasaare labada dhinac soo kala gaaray.
Ciidamada dowladda ayaa duleedka deegaanka Bariire waxa ay ka wadaan hawlgalo ammaanka ay ku xaqiijinayaan.
Shabaab wali kama aysan hadlin deegaankan Bariire ee Ciidamada ay kala wareegeen saaka.
Madaxweynaha Somaliya ayaa markii uu tagay deegaanada Sabiid & Caanoole kula dar daarmay Ciidamada inay horay u sii socdaan oo ay gaaraan dhulka kale ee Shabaab gacanta ku hayaan.